Tusaaleyn iyo talosiin meelaha kale ee Finland iyo internetka

Latalinta ajnabiga ee magaaladda Helsinki
Waxaad la xidhiidhi kartaa la talinta ajnabiga ee magaaladda Helsinki, haddii aad dooneysid in aad wax ka weydiisid sida. sharciyada, dalbashada jinsiyada Finland ama arrimaha la xidhiidha dal u soo guuridda. Waxaad kula xidhiidhi kartaa la talinta laanta socdaalka telifoon ahaan, Chat ahaan iyo email ahaan ama inaad tagtid International House Helsinki –barta adeegga ee Helsinki.
La talinta laanta socdaalku waxay ku adeegtaa finnish, carabi, berberi, dari, ingiriisi farsi iyo faransiis.
La talinta laanta socdaalka ee magaalada Helsinki warbixinteeda halkan ayaad ka heleysaa.
Xafiiska laanta socdaalka
Xafiiska laanta socdaalku waxay ka go’aan gaadhaa dal u soo guuridda-, magangelyada-, qaxootiga-, iyo jinsiyada arrimahooda.
Xafiiska laanta socdaalku wuxuu tusaaleeyaa kana talo bixiyaa sida, sharciyada, macluumaadka lagu safro ( baasaboorka yar ee ajnabiga iyo qaxootigu macluumaadka ay ku safraan) iyo arrimaha la xidhiidha jinsiyada Finland.
Waxaad kula xidhiidhi kartaa xafiiska laanta socdaalka xaga la xaajoodka elektarooniga ah, telifoon, email, warqad ama adigoo booqda barta adeegga wadareedka ee Helsinki.
Xafiiska laanta socdaalka warbixintiisa waxaad ka heleysaa halkan.
Wasaaradda arrimaha dibada
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qaabilsan sida. fiisooyinka siyaasadda. Wakiiladda Finland u fadhiya dalka dibadiis ayaa bixiya fiishayaasha qaabilana soo wargelinta jinsiyadaha iyo codsiyada sharciyadaba..
Wasaaradda arrimaha dibada ayaa tilmaanta oo ka talobixisa arrimaha la xidhiidha fiisayaasha.
Warbixinaha arrimaha fiiseyaasha halkan ayaad ka heleysaa.

